Baarlamaanka Federalka Somalia Oo 3 Sano Ay U Buuxsantay

Maanta oo ay taariikhda tahay 20-08- 2015 waxaa Seddax Sano Jirsaday baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii laga baxay xiligii KMG ahaa ee dalka muddo lagu soo maamulayay.

Taariikha 20-08-2012 ayaa la dhaariyey mudaneyaasha hadda ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya.

Seddaxda sano ee Baarlamaanka uu jiray waxyaabo badan ayuu qabtay, inkastoo ay jiraan shaqooyin badan oo looga baahnaa mudadaasi in Baarlamaanka ku qabto aysan suurta gelin.

Xiliga uu baarlamaankaan jiray waxaan waxba iska bedelin hogaankiisa sida gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

Waxaa la dilay Seddaxdii Sano ee uu jiray Baarlamaanka tiro xildhibaanno BF ka tirsanaa, qaar alena dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Go’aanada Baarlamaanka uu gaarayey 3-dii sano ee la soo dhaafay ayaa u badnaa Mooshino lagu ridaayey Ra’iisu wasaareyaal.

Go’aankii ugu dambeeyey ee uu baarlamaanka Federalka gaarey wuxuu ahaa go’aankii  BF uu ku diiday Baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe balse cid dheg jalaq u siisay ma jirin.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise