Qaraxyo Mataano Ahaa Oo Ka Dhacay Magaalada Qaahira Ee Xarunta Dalka Masar

Qaraxyo culus oo labo goob ka dhacay ayaa laga maqlay Magaalada Qaahira ee xarunta Dowladda Masar iyadoo la sheegayo in lala beegsaday goob ay degan yihiin ciidamada ammaanka dalkaasi.

Qaraxa ugu horeeyey ayaaa lagu weeraray Xarun ay degan yihiin ciidamada ammaanka Masar kadib markii Baabuur ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa lasoo hor dhigay.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in gaari kale oo waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan in lasoo dhigay meel ku dhaw xarun kadibna ninkii waday uu halkaasi ka cararay iyadoo la soo sheegaayo in qaraxani uu ciidamada u geystay khasaarooyin kala gedisan.
Ma jirto ilaa xiligan cid sheegatay masuuliyada qaraxayadaan ka dhacay Magaalada Qaahira, waxaana saacadaha soo socdo la filaa in la helo warar dheeraad ah oo la xiriiro kuwii fuliyey qaraxyadan.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise