Yaa ka dambeeyay dilka gudoomiye ku xigeenka Buulo-mareer?

Maleeshiyada Xasan Jaamici ee bilihii ugu dambeeyay dhibaatada ka waday deegaanada Buulomareer iyo Golweyn ayaa maanta dil bareer ah ugu geystay halkaas gudaha Buulo Mareer gudoomiye ku xigeenka deegaankaas.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magaaci jiray Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa beesha Biimaal.

Dilka gudoomiye ku xigeenka ayaa yimid kadib markii-sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah- qaar ka mid ah istaafka gaarka ah ee Xasan Jaamici ay gurigiisa ku weerareen, kadibna ay xabado tira badan ay ka dhaga dhufteen qeybta sare ee jirkiisa.

Maleeshiyada dilka geysatay ayaa markii ay falkaasi fuliyeen dib ugu noqday xaruunta fadhiga u ah Xasan Jaamici ee dhacda duleedka Buulo Mareer.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise