Beesha Caalamka Oo Mooshinka Xasan Sheekh Lagu Ridayo Taageertay Iyo Xasan Sheekh Oo Taleefanadii Buufis Kaqaaday Kadib Markuu Ogaaday In..

Mooshinkaan oo noqday kii ugu horeeyey ee madaxweyne Soomaliyeed laga keeno una muuqda inuu si buuxda uqabsoomayo laguna ridi doono Xasan sheekh oo ku ciyaaray madaxtinimadii lagu aaminay ee uu kudhaartay markii lagu wareejiyey masuuliyada Villa Soomaaliya isagoo ku fashilmay siyaasadiisa beelaha inuu dhex unoqdo iyo federaalka oo uu qaab qabiil uga faa’ideeyey beeshiisa iyo beel uu xulafo lasameeyey si uu ukordhisto mudada madaxtinimada dalka oo uusan xaq ulahayn inuu dhamaysto xiligiisa iskadaa in loo kordhiyee taasoo cadaysay in Xasan uusan ahayn madaxweyne Qaran oo umada Soomaaliyeed isu keeni kara dib uheshiisiin dhab ahna samayn kara intaba inuu xasan sheekh ku fashilmay dambiyana kagalay shacabka Soomaaliyeed ee dulman ee aan waxba haysan cidna uma maqna ceelna uma qodna xaaladoodu tahay inuu saaxiibadiis kadhamaan waayey.
Mooshinkan haduu maro oo Xasan sheekh kalsoonida lagala noqdo xaalka Soomaaliya isbadalweyn oo siyaasadeed ayaa ku imanaya waxaanan ku rajo weynahay in lahelo madaxweyne Qaran oo hanan kara madaxtinimada iyo hogaanka dalka si Soomaaliya dib uheshiisiin Qaran loo gaadhsiiyo nabadna loo helo.
Hadii ay dhacdo inuu Xasan sheekh kabadbaado mooshinkaan waa in dalka laga ilaaliyaa inuu sii qaso oo aan oo uuna dagaal sokeeya sii abuurin sida lagu yaqaano madaxda afrika markay sii dhacayaan inay hub iyo rasaas free ah gacanta kagaliyaan tuugada si ay wadanku isugu dhex yaaco oo loo tabo magacoodana kor umaro maxkamad caalami ahna aan loo saarin.
Xasan sheekh Khaatumo hub ayuu uraray waxaana laga dajiyey Buuhoodle Cali khaliif galaydh oo hore u ahaanjiray gudoomiyihii warshada sigaarka ee galaydh oo kucaan baxay warshadaas horena usoo noqday Raysalwasaare ayaa maanta Xaalkiisu wuxuu marayaa inuu khatar galiyo deegaanadii beeshiisu sida nabada ah ugu naaloonaysa in marba meel uu dabka sudho iyadoo uu hore dabka usudhay Taleex iyo Saaxdheer imikana waa buuhoodle oo ah meesha kaliya ee kabadbaaday dagaaladii sokeeye ee gobolka togdheer ee ay katirsantahay buuhoodle waa in laga badbaadiyaa dagaal sokeeye inuu kadhaco iyo burbur hor leh intaasu waa muhiim in lafahmo iyadoo la ilaalinayo hooyooyinka iyo caruuraha degmada buuhoodle waa in hadana laga hortagaa siyaasadaha Xasan sheekh kawado deegaanada khaatumo ee Soomaaliland kamid ah iyo guud ahaanba Mudug.
Djibuti: dawlada djibuti waa muhiim in lafahamsiiyo taageerada umada Soomaaliyeed ay siiso inay ubaahanyihiin Shacabka Qawmiyada inay si gooniya xaaladooda udaryeesho waayo madaxdii Soomaaliya xaalkoodu wuxuu noqday inay lacag boob iyo sadbursi beelahooda inay usameeyaan nidaamkii dawliga ahaa ee Soomaaliya inay uga faa’idaystaan qaab beeleed oo beelahooda kunaas nuujiyaan iyadoo shacabkii Soomaaliyeed dhibaataysanyahay ay dhib kale iyo dagaal beeleedyo iyo barakac iyo guryo gub loo sii raaciyo maanta dawlada Djibuti haday wax tari weydo Shacabka Qawmiyada ee dulman goormay waxtaraysaa? Waa muhiim in Djibuuti fahamto somaliya waxa kasocda inaysa Dawladnimo ahayn ee qabyaalad iyo boob joogta ah lagu hayo shacabka dulman.
K/galbeed:waxaa muhiima in Madaxweynaha k/galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan inuu garto Qiimaha 3dexda gobol uleeyahay jiritaankooda Qawmiyada geeska Afrika ugu badan ee Dir dhulka ay dhiigeeda kudaadisay ee ay kukala dhinteen Xasan sheekh iyo beeshiisa uu sadbursiga iyo tuugada kutaageeray inuu Shariif Xasan isku dayin inuu heshiis siyaasadeed oo uu kusiinayo dhulkaas dad aan xaq kulahayn inuu ka digtoonaado marnabana aan laga yeelaynin dhulkaas in talaabo uu siiyo nimanka kasoo duulay gobolada dhexe ee muqdisho lagasoo abaabulo ee dagaalka kawada Shabeelada hoose waa muhiim inuu Shariif Xasan fahmo mawqifka Qawmiyada Dir ee ku aadan k/galbeed deegaanadeeda inaan wax xaq ah laga siin karin dadkaas kusoo duulay ee dhiiga shacabka maalinwalba daadinaya ee 25 sanadood dulmayey dadka masaakiinta ah ee kunool Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe sidoo kale Bay iyo Bakool.
JUBBA: Hal Xaaraana nirig Xalaal ah madhasho intaas in lafahmo weeye Ahmed madoobe Baarlamaanka uu isagu soo xushay ee beeshiisa Kaliya uu siiyay 55 ta xubnood iyadoo beeshiisu ayna deegaanka jubba ka ahay 4% hadana kuli raga uu xilalka sare udhiibay ay yihiin niman ka kala yimid Qabri daharre,Qaloocan iyo Coobudwaaq inuu dadka dega Jamaame,Jilib,Saakoow,bu’aale,Baardheere,Luuq ganaane,Doolo,Goobweyn ilaa Raaskaambooni iyo Afmadoow ilaa Garbahaareey dadka dega xaqoodii oo dhan inta lalaalay in dad laga keeno Qaloocan,wardheer iyo Goday oo layidhaahdo jubba ayey matalayaan waxaas maamul Gobol maahan ee waa maamul halbeel samaysatay oo ilaa Igad ninkii beesha shaqaalaha dawlada kenya u ahaa uu beel ahaan ugu adeegayo Soomaali waa markhaati waana laga xisaabtami doona.
Galmudug: dulmiga Xasan sheekh kusameeyey Qawmiyada Dir deegaanaday ugu badnayd ee gobolada dhexe inuu Xaqoodii duudsiyo oo beeshiisa uu kadhigo madaxweyne iyo gudoomiye Baarlamaan isagoo adeegsanaya lacagtii Shacabka Soomaaliyeed canshuurta looga ururiyey iyo maaliyadii UN ka kubixinaysay inay maamul deegaamada oo loo dhanyahay loogu sameeyo Soomaaliya lacagtaas oo ah $25million doolar taasoo uu beeshiisa kaliya baarlamaanka galmudug 65 xubnood ugu gaday inta kalena dhiiglaawayaal beelaha kale laga soo xushay loo xulay inay ucodeeyaan musharixii Xasan watay ee Cabdikariin guuleed iyadoo dulmi cad halkaas laga sameeyey umada Soomaaliyeedna ay markhaati katahay waxaan usheegaynaa inaanan marnaba aqoonsanayn maamul cadaalad darro kuiyimid oo Shacabka Soomaaliyeed lagu dulmayo inuu dalka kajiro.
PUNTLAND: C/wali Gaas inuu dulmiga Ahmed madoobe ku hayo Shacabka Waamo xaqa uleh inay dawlad udhistaan hor istaagay ee dhaqaalihii Dekeda boosaaso kubixiyey in lagu dulmo Shacabka waamo ee hadana garan la’ inuu wax usheego Ahmed madoobe Xaqii Qawmiyadu kulahayd puntland markuu dulmiyey inuu imikana Waamo dadkii lahaa kudulmiyo oo xaqdarada Ahmed madoobe taageero waa laga xisaabtami doonaa goor aan fogayn xitaa puntland 50% dadkii lahaa inaysan dulmanaandoonin ee laxisaabtami doono ha ogaado waxa maanta fidnada ah ee Xasan sheekh beeshiisa laraadinayo maamul qabiileedyada tartanka kulajira puntland inay iyadu soo aliftay oo khasaaraha kadhasha dambigeeda oo dhan ay yeelanayso ha ogaado hana sugo xiliga dhibkaasu uu ugu yimaado Garoowe ilayn iyagaa dulmigan aasaasayee.
Gabagabadii Xisbiga shacabka geeska afrika wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay fahmaan dhibka kusoo socda ee lala damacsanyahay una diyaargaroobaan inay iska caabiyaan oo ay joojiyaan.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER: HAABIIL CABDI HAYBE.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise