Dagaalkii maanta ka dhacay Marka oo kashifay wajiga dhabta ah ee wasiirada Macalin Barre Iyo Maxamed Xasan

Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Marka ayaa ciidmada deegaanka waxa ay khasaare xoog leh ku gaarsiyeen Maleeshiyada Xasan Jaamici ee ku harsan qeybo ka mid ah magaalada, khasaarahaas oo isugu jira mid nafeed iyo mid qalab.

Dhinaca ciidamada deegaanka waxaa dagaalka kaga shahiiday hal halyay.

Dagaalkan ayaa istaagay kadib markii ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Marka ay ka horistaageen ciidamada deegaanka in ay ka nadiifiyaan maleeshiyada Xasan Jaamici meelaha ay magaalada kaga harsan yhihiin.

Xiriir ay saraakiisha ciidamada deegaanka kala sameeyeen ciidamada Amisom arintaas ayaa taliyaasha ciidamada Amisom kaga jawaabeen in wasiirada Koonfur galbeed ee Macalin Barre Iyo Maxamed Xasan ay kula balameen in ciidamada deegaanka aysan bartamaha magaalada soo gaari karin.

Saraakiisha Amisom ayaa ku adkeystay in wasiirada K.galbeed ay yihiin cida ay kaga dambeeyaan maamulka magaalada, iyagiina ay ku wargeliyeen in ciidamada deegaanka ay ku sugnaadaan goobaha ay horay magaalada ka joogaan, bartamaha magaalada aysan isku fidin karin.

Arintan ayaa fajaciso ku noqotay dadka magaalada Marka waayo waxa ay qaadan waayeen in Wasiir Fiqi iyo Wasiir Macalin Barre oo sheegta ay ay matalaan dadka deegaanka ay haddana ay qeyb ka yihiin shirqoolada loo maleegayo dadka deegaanka oo ay doonayaan in maleshiyada Habargidir ee magaalada Marka xoog ku qabsatay ay magaalada ku sii sugnaato.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise