Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Marka

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socdo magaalda, walow uu ka yara qaboobay sidii uu ku bilowday.

Ciidamada Deegaanka ayaa saakaey weerar qorsheysan ku qaaday fariisimada yar ee maleeshiyada Xasan Jaamici ay magaalada ku leeyihiin, waxaana dagaalka ugu culus uu ka dhacay, sarta Burcad Badeeda oo saldhig u ah maleeshiyada Habargidir ee kaabamooriyaan Xasan Jaamici ilaa wadada Wajeer.

Warar aan ka soo xiganay dad goob joog ah ayaa sheegaya in ay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labada dhinac.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise