SAMSUNG CAMERA PICTURES

Madaxweynaha Puntland Oo Daahfuray Saldhigga Booliiska Gobolka Mudug Kadib Dayactir Lagu Sameeyey

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gaalkacyo ku daahfuray saldhigga booliska gobolka Mudug oo lagu sameeyay dib u habeyn.

Xafladda xarigga oo jaray jarka oo ka dhacday xarunta cusub ee saldhigga booliiska gobolka Mudug waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen. Cabdirisaaq Afguduud, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu xarigga ka jaray xarunta cusub waxaa uu indha indheeyey qeybaha uu ka kooban yahay saldhigga

Madaxweynaha ayaa saraakiisha Booliiska kula dardaarmay in xaruntaan cusub ay ilaaliyaan, nidaamka shaqo iyo nadaafaddeeda, islamarkaana ay noqoto xarun si joogto ah u shaqeynaysa.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise