Diyaarado Duqeymo Ka Geystay Xarumo Ku Yaalo Deegaanka Masagawaay Ee G/Gaduud

Wararka ka imaanaayo gobolka Galgaduud ayaa sheegayo in diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Itoobiya ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaano ku yaalla gobolka Galgaduud.

Wararka waxay sheegayaan in diyaaradahan ay gantaalo la begsadeen xarumo ku yaalo deegaanka Masagawaay oo ay maamulaan Xarakada Alshabaab isla markaasina dhaco koonfur bari Galgaduud.
Lama ogga inta uu garsiisan yahay khasaaraha ka dhashey duqeyntan, sidoo kale lama cadeyn karo in duqeymahan lala beegsaday deegaano kale oo isla gobolka ah.

Dowladda Itoobiya oo tiro kooban looga ogolaaday ciidamada AMISOM ayaa la xaqiijinayaa in ciidamo ka badan inta loo ogol yahay ay soo gelisay gudaha Somalia.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise