Hogaamiyaha Boko Haram Oo Beeniyey In Duqeyn Ay Ku Dishay Dowladda Nigeria

Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Boko Haram Abubakar Shekau ayaa beeniyay in lagu dilay duqeyn ciidamada dowladda Nigeria ay la beegsatay.

Abubakar Sekhau oo fariin maqal ah soo diray taas oo soconeyso 8 daqiiqo ayuu ku beeniyay in la dilay isla markaasina la bedelay, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ka soo baxayay dowladda Nigeria iyo Chad.

İsagoo beeninaayo wararka geeridiisa la xiriiro ayuu yiri “Waa noolahay aniga,  Ajasheyda markii ay Alle xagiisa ka soo dhamaato  ayaan dhimanayaa”.

Hogaamiye Abubakar Shekau  oo goor hore ururkiisa la midobay xarakada Daacish ayaa waxaa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Nigeria, kaasoo ahaa in saddex bil gudahood lagu bur burin doono.

Abubakar Shekau ayaa in muddo ah aan warkiisa la helin taasi oo sahashay in loo maleeyo inuu geeriyooday.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise