Dhageyso Asli Maxamed Abuukar ” Hadii Cadaalad Iyo Garsoor Uu Ka Jiro Dalka, Xukuumadda Ha Cadeyso Dambiga Nabadoon M.Abukar Ama Deg Deg Xuriyadiisa…..

Qoyska nabadoon Maxamed Abuukar oo dhowaan nabadsugida xukuumadda Soomaliya ay afduubteen ayaa ugu baaqay xukuumadda soomaliya in ay cadeyso dembiga uu galay ama ay deg deg xuriyadiisa u siiyaan.

Asli Maxamed Abuukar oo uu dhalay nabadoonka oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Aabaheed uu yahay nabadoon soomaliyeed oo u dhexeeya beelaha, howlaha dhaqankana ku soo jiray mudo 35 sano ah, uusana jirin wax dembi ah oo uu galay, waxayna intaas ku dartay in nabadoonka lagu xiray shirqool loo dhigay.

Asli ayaa xustay in aabaheed uu qabo cuduro badan oo uu macaanka ka mid yahay, wixii dhibaato ah oo soo gaarana ay xukuumadda xoriyadiisa ka qaatay ay dusha u ridan doonto.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise