Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Sheegay Inuu Xabsi Ku Jiray Maalmihii La Soo Dhaafay

Guddoomiyiha Gedo Maxamed Cabdi Kaliil aya shaley ka degay magaalada Muqdishu, wuxuuna warbaahinta u  sheegey in Axmed Madoobe iyo Itoobiya Ka soo Tarxiileen gobolka Gedo.

“Xurriyada iyo sharafkayga kuma aan joogin muddo Sideed Maalin ah, xabsi ayaan ahaa, midda kale xil la’iga qaaday ma jirto, hadiiba wax la qaaday waxaan qabaa Itoobiya ayaa iga qaaday” ayuu yiri Kaliil.

Usbuucii hore ayuu  Axmed Madoobe xilka ka qaaday Kaliil, balse uu arinta xil ka qaadista waxaa ku gacan seyray Kalil oo diidey, hadal uu Kaliil warbaahinta siiyey isagoo ku sugnaa Doolow ayaa sababay in xabsi Itoobiyaan lagu tuuro.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ahaa ragga sida adag uga soo horjeeday maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise