Dulmıga Soomaalıya Kudhacaya Ee Inaan Dawladnımo,Nabad Iyo Xasıloonı Loo Ogolayn Sababta Loo Hortaaganyahay

Bismillaahi Raxmaani Raxiimi. Ilaahbaa weyn.

Dalka Soomaaliya waxaa isu raacay dhibaatooyin waaweyn oo ay uhorayso dad xumo,siyaasiyiin tuugo ah oo dalkooda xadaya gadayana dadkooda mustaqbalkiisii iyo Shacab dulman oon dawladnimo iyo xaqooda sida loo soo rito midna aan aqoonin iyagoo daawanayana tuugo iyo daalimiin maalin walba isu kala badalaysa xukunka iyo dulmigii oo kusii socda umada.
Waxaa shacabka Soomaaliyeed baabiiyey siyaasado waaweyn oo dibada ka imanaya oo dawlado. waaweyni hagayaan oo maalin walba dusha loogakeenayo kuwa xilalka hayana ayna diidi karin siyaasadaha dusha looga keeno ee shacabka baabiinaya iyo ciidamada Amisom oo noqday ciidamo xaqii dadka soomaaliya lagu dulmo oo shacabka iska laaya jidadka maalin walba kudila caruuraha iyo waliba waalidiinta danyarta ah ee wadada wax ku iibiya ee aan haysanin dawlad udooda.
Ciidamo qaran oon loo ogolayn Soomaaliya inay yeelato daacadnimo xumo haysata madaxda ciidamada hogaaminaysa iyo qabyaalad xun oo qudhuntay oo lagula dhaqmo ku kala soocida shacabka deegaanadooda ay kasoo jeedaan Koonfurgalbeed iyo shabeele dhexe iyo waliba jubada hoose oo dulmi ay kawadaan kuwo kayimid dalal kale oo sheeganaya inay dagaan jubba,dulmiga shacabka lagu hayo oo badan,
Waxaa dalka kasocda olole loogu diyaargaroobayo doorashooyin soo socda oo lagu samayndoono xukuumad cusub iyo baarlamaan cusub oo badali doona Xasan sheekh iyo xukuumadiisa si xal loo helo.
Waxaa socda olole badan oo lagu kala riixanayo boosaska cusub ee ay yeelandoonto maamul qabiileedyada ragaadiyey Soomaali oo kuligood xuduud laleh dawladaha dariska ah badna leh hal qoysna ay wada qaateen boosaskii sare ee maamulkasta iyadoo dadkii deegaanka ugu badnaa meelwalba lagu dulmayo kacdoon cusub oo dhulboob ahna uu kasocdo dalka ayaa hadana dadwanaagsani kabuuxaan dalka oo meel ay wax kaqabtaan la’ garana la’ meelay aadaan hadaba si loosoo afjaro dhibka shacabka Soomaaliyeed haysta waxaa loo baahanyahay in lafahmo dulmiga joojintiisa iyo xaqa in laraaco inay muhimada koowaad ee dhibta looga bixi karo tahay umadina ilaahay mabadalo iyadoo umadu iskabadasha dhaqanxumada mooyaanee.
Waxaa noo muuqda in ilaahay noo cadhooday oo dulmigaan raali kunoqonay noogu cadhooday si aan ilaahay uraali galinana waa inaan dulmiga ladagaalanaa oo aan tawbad waydiisanaa waa shuruudaha dhibka looga baxo kuwa ugu horeeya ilaahay mooyee beesha caalamka lajoojiyaa labaryayo markii dhibaato dhacdaba xagii ilaahay labaryilahaa in Shirki maalin walba lasii dhex dabaasho oo dulmi iyo xumaan horleh ilaahay laga galo caaday unoqotay Soomaalida rafaadsan een haysanin cid ay kutiirsadaan ilaahay mooyee umadihii dulminayey kasugaya wanaag iyo taageero buuxda sidee kuu caawiyaa ninkii ku dumiyey ee dawladnimadaada baabiiyey ee imikana kuu diidan madaxbanaani buuxda iyo inaad dawladnimo sax ah hanato,ciidamo soomaali ah in ladhiso oo laqalabeeyo lama ogola dagaal joogto ah ayaa socda oo lagu hayo horumarka ay kutalaabsadaan shacabka wareersan ee maalinwalba qaxa kujira ee dulman una baahan siiyaasiyiin rugcadaaya oo go’aamo wax ku oola qaadankarta dalkana
isukeeni kara dib uheshiisiin iyo xasilooni iyo siyaasad shacabka lagu badbaadinayo samayn kara, waxaa noo muuqda in sitoosa loo hortaaganyahay in dalku dawlad cadaalad kudhaqanta oo umada xaqsoor usamaysa uu yeesho.
DF: Dawlada federaalka Soomaaliya waxay noqotay shakhsiyaad dano qabiil iyo ururo ay katirsanyihiin ugu adeega oo aan Soomaali danteeda wadin waxaa la lunsaday boqolaal million oo dollar mudo 2sano gudahood ah waxaa jira wasiiro aan xafiisyo xitaa fadhiisanin oo ku shaqeeya safarada dibada oo ay udhoofaan iyo hotelo qaaliya ooy kuseexdaan lacago fara badan iyadooy shacabkii Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa kunoolaa ay dulmanyihiin meel ay noloshooda kasaxaan ay la’yihiin dulmiga iyo tuuganimada joogtada ah ee Siyaasiyiinta naxariis darada ah ay kuhayaan shacabka Soomaaliyeed waa muhiim in lafahmo lana joojiyo dalka mashruuc lagu qadhaabto ayuu unoqday NGO yo Nairobi fadhiya oon Soomaali waxba usoo wadin dulmina kuhaya ilaa lasoo afjaro kuwaas iyo kuwa lashaqaysta ee xukuumada uga dhex adeega Soomaaliyi wax noqon mayso dalkeedana ciyaarta ay ku hayaan daalimiinta iyo tuugadu majoogsanayso waana muhiim in lafahmo taas.

farole-hargeysa-5

Gudoomiyaha xisbiga shacabka geeska afrika
Philosopher: haabiil cabdi haybe.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise