Dabley Hubeysan Oo Qof Haweeney Ah Ku Dilay Magaalada Muqdishu

Wararka aan ka heleyno degmada Wadajir ee magaalada Muqdishu ayaa sheegaayo in halkaasi saakey lagu dilay haweeney ka tirsaneyd shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Raxmo Maxamed C/qaadir ayaa waxaa dilkeeda fuliyey dabley wajiga soo duubtay oo rasaas kala dhacay qaybta sare ee jirkeeda.

Dilalka noocaan ah ee loo geysanaayo shaqaalaha dowladda ayaa ku badan magaalada Muqdishu waxaana intooda badan lagu eedeeyaa inay fuliyaan dagaalyahannada Alshabaab.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise