Mooshınka Baarlamaanka Federaalka Uu Kakeenay Xasan Sheekh Oo Umuuqda Inuusan Kabadbaadi Doonin Markaan …

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIMI. ILAAHBAA WEY.
Xaalada guud ee Soomaaliya oo Qasan dagaalo Qabiil oo kasocda 5 gobol oo kamida koonfurta Soomaaliya
Inta badan dalka waxaa kahawlgala ururka shabaab oo awoodoodii guud sii xoogaysanayso iyo xukuumada Soomaaliya oo kukooban magaalooyin kooban oo muqdisho kamid tahay iyadoo magaalooyinkaas oo dhan ciidamada Amisom ciidan ahaan ujoogto oo aanay jirin ciidan dawladeed oo rasmiya oo Soomaaliya leedahay iyadoo maleeshiyo beeleedyo magac dawladeed wata ay hubeeyeen madaxdii dalka loogu talagalay inay daacad u ahaadaan dhexdhexaadna ka ahaadaan dagaalada beelaha Soomaaliyeed udhexeeya.
Waxaa socda dhac iyo jidgooyooyin tiro badan oo yaala inta udhaxaysa afgooye-warmaxan -ilaa wanle-weyn iyadoo dhibka ugu badan lagu hayo dadka shacabka ah ee Shabeelada hoose dhinaca waqooyi ee wabiga shabeele oo dad masaakiina oo loo xoogsheegto kunoolyihiin cidii uhadli lahaydna laaluush lagu asqeeyey waa gudoomiyaha baarlamaanka iyo Shariif Xasan oo labaduba dano shakhsi kumashquulay.
Waxaa dalka kasocda boob dhaqaale oo bangiga dawlada iyo wakaaladaha dakhliga leh sida laanta socdaalka oo lacago badan kaqaada dadka dibada ka imanaya $50 qofkiiba taasoo dakhli xad dhaafa soo galisa laanta socdaalka muqdisho airportkeeda fadhida iyo dekeda canshuurteeda oo dakhli fiicani kasoo baxo laakiin la lunsado umadana aan waxloogu qabanin.
Hadaba mooshinka Xilibaanada baarlamaanka ay xasan sheekh kusoo weerareen hadii si daacadnimo ah loola xisaabtamo xasan sheekh maka gudbayo waa muhiim in Baarlamaanka Soomaaliya uu sharaftiisa ilaashado oo laaluush aan lagu sheegin inay siisteen mooshinka.
Hadii xasan sheekh damiir Soomaalinimo leeyahay maanta xaalka Soomaaliya muu gaadheen meesha uu marayo xitaa ma aqoonsana inuu dambiyo waaweyn kagalay umada Soomaaliyeed ee dulman ee baahidu dhamaysay ee mustaqbalkoodii siyaasadeed uu godka ku riday maantana uusan ka khajilaynin sumcad xumada kudhacday ee wali lasoo taaganyahay 3dii sano dalka Soomaaliya ee rogmaday ku andacoonayo waxweyn baa qabsoomay xagee wax kaqabsoomeen dhiigii umadaa daadanaya habeen iyo maalin qaxbaa socda ladnaanta qoyskiisa Amisom ku ilaaliso Villa Soomaaliya haduu uhaysto inay Soomaali oo dhan kujirto Xasan wuxuu riyoonayaa maalin cad dhibka Soomaali ku habsadayna waa madax aan ilaahay kabaqaynin naxariis umadooda ahna aanay kujirin.

XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA WUXUU UGU BAAQAYAA DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED INAY ILAAHAY UNOQDAAN OO TAWBAD WEYDIISTAAN IYO INAY UMIDOOBAAN DANTOODA KANA BAXAAN QABYAALADA IYO DULMIGA XAQDARADA SABABAYA EE SOOMAALIYA HALAAKEEYEY IYO IN AY SAMRAAN SI AY UGA GUULAYSTAA DAALIMIINTA IYO TUUGADA DALKA SOOMAALIYA HALKAAS DHIGTAY EE WALI INDHACADAYSKA LASOO TAAGAN INSHA ALLAAH WAKHTI YAR BAA UHADHAY KULIGOOD.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER:HAABIIL CABDI HAYBE.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise