Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Oo Walaac Ka Muujiyey Mooshinka Laga Keenay Madaxweyne Xasan Culusow(Warsaxaafadeed)

Page1

War-saxaafadeed

Shirka Golaha Wasiirada

Mogadishu,8/13/2015.. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa looga dooday xaaladda Siyaasadeed iyo midda Amni ee dalka, waxana laga soo saaray qodobada soo socda.

Goluhu wuxuu dareen ka muujiyey dhaq-dhaqaaqa qaar kamid ah xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ku howlan in ay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya.

Goluhu wuxuu tallaabadaas u arkay inay si weyn u dhantaaleyso:

a)Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’adaha Dastuuriga ee dalka.

b)Xasilloonida siyaasadeed ee ay Xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.

c)Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 206, gaar ahaan taabagelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.

d)Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

e)Kobaca dhaqaale ee dalka.

Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xiriira wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPFee Muqdisho lagu qabtay.

Golaha Wasiirada waxay aaminsan yihiin in muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hey’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka.

Markuu qodobadaas arkay ayuu Goluhu wuxuu usoo jeedinayaa xubnaha sharafta leh ee Golaha Baarlamaanka in loo baahan yahay in si mideysan looga gudbo xiliga kala guurka ah ee 2016 iyo inaan markale la sameyn khaladaadkii horey loo sameyn jiray xiliga dhammaadka muddada Dastuuriga ah.

Ahmed-nur Mohamed
Media OPM
Mugadishu-Somalia
E-mail: axmednuur59@gmail.com
E-mail: kullane@gmail.com
Twitter: @SomaliPm, @Axmednuur

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise