Dowladda Turkiga Oo Dayactir Ku Bilowday Masjidka Taarikhiga Ah Ee Arbaco Rukun Ee Muqdishu

Maanta waxaa la bilaabay hawsha dib u dhiska masaajidka Arboco Rukun oo ka mid ah masaajidada ugu facaweyn Soomaaliya, kaasi oo jira qiyaastii illaa kun sanadood ama 10 qarni.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta dowladda federaalka Cabdiqaadir Sheekh Cali (Al-Baqdaadi) ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin dhagax dhigey masaajidkani oo ka mid ah taariikhda dhaxalgalka ah ee Soomaaliya leedahay.

Dayactirkani ayaa qeyb ka ah mashaariic dowladda Turkiga ay dib ugu hagaajineyso goobaha taariikhiga ah ee Muqdisho, gaar ahaan masaajidada.

Horey waxa ay Turkiga u dhiseeyn masaajidka Cabdicasiis oo isna ka facweyn kan Arboco Rukun.

Masaajidka Arboco Rukun ayaa waxaa gaaray dayac iyo burbur xooggan, iyada oo dhismaha intiisa badan uu dhulka hoos u galay ama duugmey.

Wasiirka oo hadlay waxa uu yiri “Hay’adda Miisaaniyada ay inoo soo bandhigtay waa ay ku filan tahay, Masjidka Waqaf malaha, waxa uu u baahan yahay socodsiin Hay’ad ma biili karto mar walba, Marka Soomaalida waxaan u bandhigayaa inay Waqaf u sameeyaan oo ay dhameystirto waxa dhiman, oo ay wax uga soo baxaan si uu wakhti dheer usii jiro”

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise