Lacagta Lagu Dayactirayo Hotel Curuba Oo 60 Milyan Oo Dollar Ah Lagu Sheegay!

Dowlada Muqdishu ayaa sheegtay inay dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono dhammaan xarumaha dowladda ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay, wixii ka dambeeyay burburkii dowladda dhexe.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayey maalinta dhalinyarada aduunka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ku howlan tahay sidii dib loogu hagaajin lahaa goobaha sida gaarka ah u hoos yimaada.

Waxa uu sheegay in Hotelkii caanka ahaa xiligii Kacaanka ee Curubo dib loo hagaajin doono, isaga oo tilmaamay in ay ku bixi doonto lacag dhan 60 milyan oo doolar.

“Waxaan balan qaadeynaa inaan u raadino qorshihii lagu dayactiri lahaa xarumaha dowladda ee burbursan, gaar ahana inta wasaaradeyda hoos timaada, waxaan la kulmeeynaa shirkado iyo dad Soomaaliyeed oo doonaya in Hotelka Curubo ay geliyaan 60 Milyan oo doolar” ayuu yiri wasiir Maareeye

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla xarumo badan oo dowladda leedahay, kuwaa oo burbursan, qaarkoodna dad ayaa si gaar ugu shaqeysto sida Isbitaalada Banaadir iyo Madiina.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise