Odeyaal Ku Sugan Degmada Kismaayo Oo Ku Baaqay In Axmed Madoobe Markale La Doorto

Munaasaabad ka dhacday Hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo qabtay xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, waxaana qabtay urur ay ku mideysanyihiin odayaasha dhaqanka Jubbooyinka iyo Gedo

Munaasabaddan oo ahayd mid qado sharaf ah ayaa waxaa xildhibaanada laga codsaday in ay codkooda siiyaan madaxweynaha hadda jooga ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), maadaamaa bey yiraahdeen uu muujiyey waxqabad .

Cumar Xiireey oo la sheegay inuu yahay afhayeenka odayaasha Jubbaland ayaa laga soo xigtay isagoo leh “2 sano ka hor waxaan codsanay in Axmed Madoobe la doorto maadaamaa uu ahaa ninka naga bixin kara duruufaha adag ee jira, waad aragteen hadda waxa noo qabsoomey, iyo horumarka la gaaray, mar kale ayaan haddana idin leenahay waxaan codsanaynaa in ad codkiina siisaan madaxweyne Axmed Madoobe” ayuu yiri Cumar oo sheegey in uu ku hadlayo codka guud ahaan odayaasha dhaqanka.

Odayaal kale oo iyagana goobta ka hadlay ayaa hadal kaasi la mid ah jeediyey, waxayna sheegeen in qofka kaliya ee marxaladda hadda taagan Jubbaland ka gudbin kara uu yahay Axmed Madoobe.

Madasha ayaa waxaa soo xaadirey inta badan xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland iyo waliba guddoonka baarlamaankaasi.

Doorashada madaxweynaha ee Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka bisha August, 2015 oo maalmo kala iyay naga xigto.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise