Booliiska Dowladda Muqdishu Oo Hadda La Baraayo Sida Loo Qoro Afka Soomaaliga (Sawiro)

Dowladda Muqdishu ayaa waxay ciidamo isugu jiro Booliis iyo Milateri u qorataa maleeshiyo beeleed aan waxna qorin waxna akhrin karin. Ciidamada Booliiska oo looga fadhiyey waxyaabo asaasi ah oo ay ugu horeyso inay hubiyaan aqoonsiga muwaadinka ayaan aqoon u lahayn inay qoraan ama akhriyaan Afka Soomaaliga.

Hadda waxaa la bilaabay in ciidamada booliiska Muqdishu la baro cahasharo ku saabsan sida farta Soomaaliga loo qoro.

Goob maleeshiyaadkan lagu baro afka Soomaaliga waxaa kormeerey nin ku magacaaban taliye ku xigeenka booliska oo magaciisa lagu sheegay Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax, wuxuuna taliyaha sheegey in ay muhiim tahay in qofka booliiska ah uu yaqaano aqoonta asaasiga ah sida far Soomaaliga, iyo waliba xisaabta ku-dar iyo ka-jarta ama ku-dhufo.

Arintan waxay muujineysaa sida dowladda Muqdishu ay uga aradan tahay dhan walbo, waxaa habooneyd in askarta laga soo xulo ardayda baagamuundada ah ee dhameystay dugsiyada Sare/Dhexe/Hoose ee dalka.

1 2 3 4

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise