Diyaarad Khaas Ah Oo Jabuuti U Qaaday Dhaawaca Taliyihii Ciidamada Galbeedka Somaliland

Waxaa diyaarad khaas ah oo ka timid dalka Jabuuti looga qaaday magaalada Boorama dhaawaca Col. Xasan Cali oo ahaa taliyihii ugu sareeyey ciidamada qaranka Somaliland ee gobolada galbeed ee Somaliland.

Dhaawaca soo gaaray Korneelka ayaa lagu soo waramayaa inuu dhexdhexaad yahay, waxaa la rajeynaa in dhaawaciisa la dhigo Isbitaal casri ah oo ku yaalo dalka Jabuuti si halkaasi loogu daweeyo.

Col. Xasan Cali ayaa shaley ku dhaawacmay rasaas uu ku furay askari ka tirsanaa ciidamada uu taliyaha u ahaa isla markaasina rasaastaasi waxaa ku nafwaayey Sarkaal kale oo isagana ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland.

 

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise