Gudoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise Oo Sheegay In Amisom Su’aalo Laga Weydiiyey Xasuuqii Degmada Marka

Guddiga Difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Danjiraha Midowga Africa ee Soomalaiya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil.

Gudoomiyaha guddiga difaaca ee Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise ayaa kulankaan shir gudoominayay, waxaana xubnaha ay la kulmeen ay wax ka weydiiyeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay oo ciidamo ka mid ah AMISOM ay ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalada Shabellaha Hoose, Hiiraan iyo Bakool.

Sidoo kale xubnahaan ka midka ah AMISOM ayaa wax laga weydiiyay halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee sida wadajirka ah u wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Gudoomiye Xuseen Carab oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la’isku af gartay in Labada dhinac guddi isku dhaf ah loo xil saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyay ciidamada Cidamada AMISOM.

Dhacdadii ugu dambeysay ee Ciidamada AMISOM dad shacab ah ku dileen ayaa ahayd tii deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, iyadoo ay ka horeysay dhacdooyin kale oo askar ka mid ah AMISOM ka geysteen degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise