Gudoomiyaha Baraawe oo Maanta Dib Ugu Laabanaya Shaqadiisa

Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose Xuseen Bare Maxamed (Jeex) oo waayadan ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta ku wajahan Baraawe.

Gudoomiyaha ayaa mudo laba bilood ka badan dibad joog ahaa ka dib markii uu kasoo cararay Magaalada oo maamulkeeda ay ku qabsadeen Milateriga Dowlada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka oo la hadlay Markacadey.com ayaa sheegay in la xaliyey khilaafka Maamulka iyo Milateriga islamarkaana Maanta la sugayo inuu Gudoomiyaha xafiiskiisa soo xaadiro.

Magaalo Xeebeed Baraawe ayaa ah Magaalo Madaxda Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana si buuxda howladeeda u maamula Ciidamo isugu jira Milateri iyo Maleeshiyo beeleed uu hugaamiyo Nin lagu magacaabo Laba afle.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise