Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Bardaale

Wafdi uu hugaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa diyaarad gaar ah kasoo raacay Baydhaba waxaana Bardaale kusoo dhaweeyey Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedada safarka ayaa lagu sheegay u kuurgalid xaalada deegaanka iyo tabar loo furao Ciidamo Maleeshiya ah oo halkaasi ku sugan.

Shariif Xasan ayaa Caawa ku hoyanaya Bardaale oo si wada jir ah uga suganyihiin Ciidamada ka socda amisom iyo Dowlada Fedaraalka ah

Waa amrkii ugu horeysay oo Shariif Xasan uu buuqdo Degmada Bardaale oo qiyaastii 50 km u jirta Magaalada Xarunta u ah Baay ee Baydhaba.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise