Amisom oo Sheegtay inay Baarayaan Dikii ka Dhacay Deegaanka Halgan

Taliska Midowga Afrika ee Amisom ayaa sheegay inay baarayaan falkii dhawaan Ciidamo ka tirsan Amisom qaybta Itoobiya ay ku dileen Odayaal dhaqameed marayey deegaanka Halgan.

Korneyl Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo ah Taliyah Ciidamada Amisom Gobolada Hiiraan iyo Galguduud ayaa sheegay inay gudi u saareen sababta keentay in rasaas lagu uro gaari ay saarnaayeen Odayaal dhaqameed.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in falkaasi uu dhacay islamarkaana uu amray in la baaro falkaasi iyo sida uu u dhacay.

Dhawaan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa amisom ee ku sugan Deegaanka halgan ay rasaaseeyeen gaari Homey ahaa oo ay saarnaayeen Odayaal dhaqameed, waxaana rasaastaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise