Deegaan Muhiim oo Lagala Wareegay Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan Amisom iyo tiro Maleeshiya Beeleed ah ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buq-aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Guluf Colaadeed oo maalmihii ugu dambeeyey lagu doonayey in lagu qabto Deegaankan oo waayadii ugu dambeeyey saldhig muhiim u ahaa shabaab ayaa maanta soo gabagaboobay, Ciidamada Midowga Afrika Amisom iyo ciidamo deegaanka ah yaan gudaha u galay Buqaqable.

Deegaanka Buqaqable ayaa ahaa deegaan ay ku xooganaayeen shabaab halkaas oo ay lu lahaayeen Idaacad ku hadasha Afkooda iyadoona sidoo kale ay u ahayd xarun kale oo ay ka maamulaan Hiiraan.

Dagaalyahaanada shabaab ayaa xalay sakhdii dhexe isaga baxay Deegaanka ka dib markii ay ka warheleen duulaanka Huwanta.

Warar laga helaayo Deegaanka Buqaqable ee hoos tagta Buulo Burde ayaa sheegaya in lagu fashiliyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu sii diyaariyey goob saldhig ah.

Gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadan waxa ka socda dadaalo lagu doonayo in shabaab looga saaro guud ahaan deegaanada Hiiraan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise