Shirkii Gudiga Hogaanka Joogtada Ah Beesha Biimaal Ee Uk Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyey Garyaqaan Maxamed Abukar Gaytaanoow

Waxaa maalintii Sabtida 08/08/2015 ka dhacay xaflad Qado Sharaf ah oo Gudoomiyaha beesha biimaal ee UK Cali Afarre usameeyey Garyaqaan maxamed Gaytaanoow oo soo gaadhaw UK maalmo kahor isagoo kusii jeeda wadan Denmark oo uu sidoo kale casumaad kahelay dhawaan.
Gudiga joogtada ah ee beesha biimaal UK oo uu kujiro Gudoomiyaha Shacabka geeska afrika Philosoper Haabiil Cabdi Haybe, Shirka oo si heersare ah udhacay mudo dheerna lagu lafagurayey xaalada guud ee beesha biimaal deegaanadooda oo dhan iyo duulanka duulaanka Qaawan ee beesha kaga anaya 2 jiho oo wadashaqayni kadhaxayso iyadoo beeshu si weyn isu abaabushay taageero buuxdana kahelayso dhamaan Qawmiyada geeska afrika ee Dir im wakhti dhaw lasoo gaba gabayndoono oo ciidamo muhiima oo si buuxda uhanta deegaankaas lagayn doono taasoo soo afjaraysa dulmiga Xasan sheekh taageeraayo ee sida qaawan ugu xadgudbaya beesha biimaal deegaanadeeda oo dhan.
Gabagabadii gudiga joogtada ah ee beesha biimaal ee UK waxay kubaaqday baaq nabadeed iyo in lajoojiyo Xumaanta loo maleegayo shacabka koonfur galbeed Khaas ahaan shabeelada hoose midnimo guud oo beesha biimaal ee Europe iyo North America iyo Carabta si wadajir ahna loo garab istaago dadka deegaanka shabeelada hoose ee dhibka weyni kahaysto cadaalad darada xasan sheekh kawado Villa Soomaaliya
Waxaa kaloo gudiga beesha biimaal ee UK kudhawaaqeen in Shirweyne degdeg ah laysugu yimaado london bishan aakhirkeeda kaasoo looga tashanayo aayaha guud ee deegaanada beesha ee Shabeelaha hoose iyo jubbooyinka labadaba.

Gudooomiyaha gudiga joogtada ah ee Biimaal UK
Nabodoon Cali Afarre.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise