Dagaalo Xoogan oo Ka Socda Wadanka Yaman

Dagaalo u dhaxeeya taageerasyaasha Maxdaxweyne Dibada jooga ah ee Yaman iyo kooxaha Xuutiyiinta ayaa ka socda magaalo muhiim ah islamarkaana istaraatiiji u ah cida maamulkeeda gacanta ku heysa.

Xoogaga daacada u ah Madaxweyn Abdu rabbi Mansuur Haadi ayaa kusii siqaya Magaaladan oo ay heystaan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Zinjibaar oo ah magaalo madaxda Gobolka abyan.

Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa hadii lagala wareego Magaalo madaxda abyan ay noqon doontaa inay waayaan magaalo muhiim ah oo  in muda ay maamulayeen.

Milateriga Sacuudiga oo taageeraya Ciidmada dowlada Yaman ayaa maleeshiyada xuutiyiinta ku qasabtay inay ka gurtaan dhul badan oo ay gacanta ku hayeen, waxaana dhawaan gacantooda laga saaray Magaalada degeda leh ee Cadan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise