Shariif Xasan oo dadaal ugu jiro sidii ay uga mid noqon lahaayeen baarlamaanka maamulka konfur galbeed wasiiro ka soo jeeda deegaanda Galmudug kana mid ah golahiisa wasiirada hada

Madxweynaha maamulka qabyada ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxa uu isugu yeray qaar ka mid ah golahiisa wasiirada ee ku sugan magaalada Baydhabo ,wasiiradaas iyo madxweyne Shariif ayaa waxa ay ka arinsadeen isku shaandheen lagu sameyn doono golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Shariifka ayaa wasiiradaasi u sheegay in qabaa’ilka ay ka soo jeedaan ay ka codsadaan in ay ka mid noqdaan baarlamaanka la doonaayo in loo dhiso maamulkaasi  sida ay dad badan og yihiin wasiirada hada maamulka qabyada ee uu hogaamiyo Shariif ayaa u badan hogaamiyo kooxeedyo aan u dhalan gobalada Koonfur Galbeed  iyo kuwo an laheey aqoon ku filan oo ay ku hogaamiyaa bulshada.

Haddaba, beesha caalamka ayaa waxa ay Shariif ku cadaadisay in uu yareeyo wasiirada islamarkaana soo dhiso gole wasiiro yar isla markaana tayo leh dadka deegaanka ay ku qancsanyihiin, ilo xog ogaal ah oo ku sugan  Magaalda Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in madxweyne Shariif uu yiri:aniga wax mushahar ah uma haayo wasiirada ,hay adaha deeqbixiyaashana waan ka waayay wax dhaqaalo ah.

Waxaa la is weydiinayaa mar hadii baarlamaanka loo xuli doono qaab deegaan ama qabaailka dega sadexda gobal Shariifka side uu yeelayaa wasiirada aan xalaasha ahey ee ka midka ah golahiisa wasiirada,kuwaasi oo xasuuq ba,an ka geystay gobalka SH.Hoose ,ayadoo bil Ramadan ay tahay gabdho muslimiin ah sooman ay kufsi kula dhaqaaqeen  Magaalada Marka,maleesho ay wataan wasiirada aan xalaasha aheey ee Shariifka saaxiibada la ah.

Hadaba Bulsha weynta ku xiran webka markacadey.com waxaan u soo gudbinaynaa magcyada wasiiro ka soo jeeda gobalo iyo deegaano kale oo aan aheyn sadex gobal Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

N0 Magaca Xilka Qabiilka Degaanka
1 Cabdi Naasi Cabdi Caruush Wasaarada iskashiga iyo xiriirka caalamiga Habar gidir ceer Gal gaduud/guriceel
2 Cabdulaahi Sheeq Xasan Wasaarada ganacsiga iyo wrshadaha Abgaal Daa,uud Shabeelaha dhexe /Ruun nirgood
3 C/qaadir Nuur Caraale Wasaarda Dib u heshiisiinta Murasade Galgaduud/Ceel Buur
4 Cumar Adan Xasan Cumar Dheere Wasaarada Dalxiiska iyo  Duur joogta Gaal Jecel Hiiraan/Galbeedka beledweyne

Shariif xasan ayaa hada ku mashquulsan wasiiradaan idin muuqda magcyadooda in ay mar kale ka soo muuqdaan Baarlamaanka maamulka koonfur galbeed,iyadoo gobalda ay ka soo jeedaan dhowaan loosameeyay maamul la magc baxay Galmudug islamarkaana leh Baarlamaan ,ay ku jiraan dadka degan gobaladaas kaliya, dhowaana la filaayo in wasirada maamulkaasi lagu dhawaaqo,walow la og yahay dad aan u dhaln maamulkaasi aanay xil ka qabankarin, Mooryaanta laga soo eriyay gobaldaas ayaa Shariif waxa uu ku abaal mariyay xilal culculs ,moryaanta ayaa ku fashilmay xilalkaasi uu Shariif ku awaal mariyay maadaamaa anay laheen aqoon iyo waayo argnimo intaba.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise