Maamul U sameenta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo Maanta Go’aan laga gaaray (Sawiro)

Munaasabad Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyey in Maamulka loo sameenayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe la dedejiyo islamarkaan la dhisi doono inta uu socda Sanadkan.

Manaasabada ayaa waxa ka qayb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka, R/wasaaraha, R/wasaare ku xigeenka Xukuumada,wasiiro iyo Xillibaano kasoo kala jeeda labada gobol, Gudoomiya yaasha Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, Ergeyga qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Urur Goboleedka Igad.

Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka ayaa sheegay inay garab istaagi doonto Maamulka loo sameenayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo ah labada gobol oo ilaa hada aan loo sameen maamulada fedaraalka ah.

“Tallaabada tan xigta waxay noqoneysaa inaan u istaagno xoojinta maamullada jira. Waxaan dhiirigelinayaa in lagu tartamo horumarka , dib u heshiisiinta iyo wadatashiga, waddadaasi ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waa in aan iska ilownaa wixii horey noo soo marey, khibradda aan ka dhaxalneyna aan u adeegsanaa inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad’’.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wakiilada Dowladaha dereska iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliay oo dhamaantood taageerey Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa lagu wadaa in ugu dambeyn ay Maamul yeeshaan 1-da Decembar oo lagu wado in lagu caleemo saaro Madaxweynaha la dooran doono.

unnamed-6

unnamed-21

unnamed1unnamed-51

unnamed-41unnamed-31

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise