Ciidmada Itoobiya oo Maanta Isaga baxay Deegaano ka tirsan Gobolka Galguduud iyo Shabaab oo Dib ula Wareegay

Wararka Ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Maanta Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa itoobiya ay isaga baxeen deegaano oo u dhaxeeya Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

Deegaanada ay isaga baxeen Amisom ayaa waxa ka mid ah deegaanada ceelgaras iyo ceel-lahelay oo hoostaga Dhuusa mareeb.

Deegaanada ay faarujiyeen Ciidamada howlgalka midowga afrika ee amisom ayaa dib waxa ula wareegay Dagaalyahaanada shabaab.

lama oga sababta ka dambeysa in deegaano hore looga saaray shabaab in markale hadana jaanis loo siiyo inay ku laabtaan oo ay isaga baxaan ciidamadii la dagaalamayey, hase ahaatee inta badan deegaanada lagala wareego shabaab ayaa mararka qaar waxaa dhacda inay dib isaga baxaan ciidamada amisom sidaana ay ku dhacdo in shabaab ay ku laabato.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise