Isbitaalka Marka oo Caawa Haawanaya iyo Maleeshiyada Habar Gidir oo Korontada Ka jarey Eeriyada Isbitaalka

Warar hada naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada Kaaba Mooryaan Cali Cilmi ay caawa faarujiyeen Isbitaalka guud ee Degmada Marka.

Maleeshiyada faarujisay isbitaalka ayaa ka dambeysay ka dib markii Caawa ay soo wajahday cabsi ku aadan in lagu weeraro isbitaalka iyo meelaha ay xooga ku joogaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in maleeshiyada caawa isaga baxay Isbitaalka ay xooga ku heysato hay’ad beeleeda Swiss kalmo ay horey usii qaateen mid ka mid ah dhaawacyada isbitaalka ugu jiray kaas oo shalay six un ugu dhaawacmay dagaalkii ay la galeen ciidamada deegaanka.

Dhaawaca ayaa waxay geysteen Xerada amisom oo ay weydiisteen inay usii haayaan ilaa berito subax oo ay doonayaan inay u qaataan Muqdsiho xilli ay ku kalsoonaan Karin inay marka ku sii heystaan.

Waxay amar ku bixyeen in korontada laga jaro isbitaalka iyo meelaha ku dhow dhow si aan loolo socon dhaq dhaqaaq la’aanta halkaasi ka jirta, iyadoona shirkada korontada siisa agagaarka isbitaalka ay u baqday howsheeda oo ay jartay korontadii halkaasi uga shaqeeneysay.

Dadka ku sugan Marka gaar ahaan meelaha ay ka dhowyihiin Maleeshiyada kooxda dhul boobka ayaa laga dareemayaa acbsi iyadoo dadkii ka agdhawaan intooda badan ay isaga barakaceen ka dib markii maleeshiyada laga dareemaya inay haaynin niyad ay kusii joogaan ayna wehliso cabsi in waqti uun ay soo weerari doonaan Ciidamada deegaanka.

Waxaa maanta jirtay qaayla dhaan xoogan oo ka timid kaaba qabiilo horboodi jiray colaada wiilashooda mooryaanta ah oo mar kasta u qabay inay ku noolaanayaan libinta ayna duleysanayaan dadka deegaanka oo aan la heli doonin cid wax ka qabata.

Hase ahaatee hada ayaa kaaba qabiiladaasi waxay isku bedeleen kuwa ku doodaya inay wiilashooda mooryaanta ah ceshen doonaan ama ay ka saari doonaan Magaalada hadii la siiyo fursad ah inay kusii bixiyaan mooryaantooda.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo horey ugu daalay  balan la’aanta iyo diin darada kaaba qabiiladaasi ayaa loo sheegay inay ku tashtaan Ciidamada deegaanka oo mar kasta duulaan ku ah goobaha ka maqan gacantooda oo aanu jirin qorshe kale.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise