Xuseen Cali Xaaji “Maamulka Marka oo La Diiday ayaa Keentay in Amsiom Shacabka ay Barakiciso”

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada arimaha gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed Xuseen Cali Xaaji oo Maanta la hadlay warbaahinta ayaa dhaliil usoo jeediyey Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee Fariisinka ku leh Magaalada Marka.

Xuseen ayaa sheegay in Maamulka koonfur galbeed uu Shacabka reer Markka u sameeyey Maamul ayna diideen in Maamulkaasi uu Marka tago uuna shaqeeyo si loo helo amaan iyo kala dambeyn.

“Hadaan nahay Wasaarada Arimaha gudaha Maamul ayaan Marka u sameynay, shacabka hada dhahaya waa nala dilooyaa iyagaa diiday in Maamulkaas uu shaqa galo ama Marka la geeyo” ayuu yiri Xuseen Cali Xaaji.

Wasiirka ku xigeenka oo sii hadlayey ayaa hadalkiisa intaasi raaciyey in isku dayo badan ay sameeyeen oo ku saabsanaa sidii Maamulka Marka ay u geyn lahaayeen taasna sida u sheegay laga horyimid.

“anaga Maamulka meesha hadaan geen lahayn amisom dhib ma geysan lahayn laakiin hada ma naqaano si aan yeelno ama aan kula hadalno amisom” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Mar la weydiiyey hadii Maamulkii uu ku jirey Mahad indha cade ay dadka shacabka ah diideen waxa u qorsheysan wasaaradooda.

“San dulli ayaan ku geeneenaa cid uma u istaageyso malahan in maamulka koonfurgalbeed arimihiisa laga horimaado, hadii kale maalin kasta amisom aa laga cabaadaa” ayaa ugu dambeyn hadalkiisa uu raaciyey.

Hadalka Xuseen Cali Xaaji wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed ayaa imaanaya xilli Shacabka reer Marka ay kasoo horjeedsteen dhibaatadii lagu haayey in muda ah inay sii socoto.

Waxaana hadalkan uu u muuqdaa mid jees jees ah oo aan laga filayn mas’uul.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise