Kooxda Daacsish oo Sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii Lagu qaaday Koonfurta Sacuudiga

Kooxda ka dagaalnata Wadamo ku yaala Bariga dhexe ee Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Masaajid ay ku tukanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Dalka Sacuudiga.

Ruux Isasoo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey masaajid ay ku tukanayeen ciidamo ka tirsan amaanka waxaana halkaasi ku geeriyoodey tobneeyo isugu jira Ciidanka iyo dad kaloo shacab ahaa.

Kooxda Daacish garabka ka dagaalama gobolka xijaas ee Sacuudiga ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegatay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka dadka badan lagu laayey.

Magaalada qarax uu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Abha ee oo ku taala meel ku dhow xadka Wadanka Sacuudiga uu la wadaago Wadanka Mashaakilaadka uu ka jiro ee Yaman.

Kooxda ayaa ku hanjabtay inay fulin doonto weeraro kale oo dheeraad ah, waxay ku eedeysay dowlada Sacuudiga inay ka mid tahay Dowladaha khiyaameeya dadka muslimiint ah ee ku nool dalalka ku yaala gacanka carabta.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise