Gudiga Doorashooyinka Jubba Oo Soo Bandhigay Shuruudaha Laga Doonayo Musharixiinta

Gudiga Doorashooyinka Maamulka Jubba ee dhawaan lagu baaqay ayaa soo bandhiya shuruudaha laga doonayo musharixiinta doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynenimoo ee Maamulkaasi.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Marwo Qureesha Maxamed Cabdule ayaa warbaahinta u sheegtay in qof kasta laga doonayo inuu soo buuxiyo shuruudaha inta aanu u tartamin xilka culus ee lagu balansanyahay doorashiisa 15-ka bishan.

“Shuruudaha laga rabo inuu buuxiyo shaqsiga raba inuu u tartamo Madaxweynenimada dowlad goboleedka Jubblanad waxaa ka mid ah inuu yahay muwaadin ka soo jeeda Jubbaland, in aanu dambi galin, in da’diisa ka yareyn 40-sano, inuu leeyahay aqoon jaamacadeed ama waayo aragnimo 10-sano ah, waa inuu akhlaag iyo asluub leeyahay, caafimaadkiisa iyo miyir qab yahay”ayay tiri Guddoomiyaha Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Muashrax kasta ayaa laga doonayaa inuu in uu bixiyo $7, 000 iyo taariikh nololeedkiisa oo dhameystiran.

Baarlamaanka Maamulka Jubba oo sida muuqata dhegaha ka fureystay cod u qaadistii Baarlamaanka Fedaraalka ayaa doonaya inay soo doortaan Madaxweyne Cusub.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise