Hub urursiga cusub ee dagaal laysku dhamaado iyo khayaanada dulmiga ku hoos jira maamul qabiileedka Gal-nus-Mudug oo..

Sidaynu kawada warhayno Xasan sheekh wuxuu utaageeraya khaatumo iyo Cali khaliif aad kukala qaybisid Somaliland & puntland dadka dega iyo beesha Daraawiish ubadkeedii ee degta gobolka sool,togdheer qaybo kamida iyo degmada fiqi fuliye ee sanaag kamida iyadoon ixtiraamayo midnimada umada guud ahaan laakiin in khaatumo ay sheegato Sool & Sanaag oo dhan oo ay maamul dhan oo awood weyn oo mileteri oo ay kamid ahaayeen 24 sanadood oo Cali khaliif laftiisa kusaxiixay Shirkii Burco iyo Boorame inay maanta madaxweyne beeleedka muqdisho midaynwaayey ee Raaxoole=No 50 oo ujirta 50km xaqeedii duudsiyey ee Dir meelwalba ooy degto duulaan Qabiil kukiciyey ee
Dagaalka tooska ah ee siyaasadeed kula jira Dir xaqii ay lahaayeen ee Xukuumada iyo Galmudug labadaba toos uhor istaagay jubbaland waxa kasocda ee xaq darro ah isagu wada oo imikana Duulaanka siyaasadeed puntland kuqaaday anagoo og ujeedadiisa fog ee ah in Soomaaliya wareer cusub gasho si kuwo isaga kaxun ubadalaan oo sii qariba dalka oo hadhoow aan lala xisaabtamin, Xasan sheekh oo sidaas ubadheedhay kuna tala galay inuu sameeyo 2 maamul qabiil oo beeshiisa Hawiye madaxkayihiin inta kale ee degta dhulkaasna cagta lamariyo Cali khaliif galaydh haduu taageero siyaasadeed iyo colaad uu deegaankiisa galiyo karaadsaday Xasan sheekh waa unasiibdarro shacabka Daraawiish ubadkeedana waa ugodob horleh oo uu kagalay Dir oo uu magacooda ku galay, waxaana muhiima in lafahmo ujeedada loo taageerayo Cali khaliif maaha wanaag ee waa xumaan horleh in laga abuuro deegaanada Somaliland iyo puntland.
GALMUDUG:Waxaa bilaabmay abaabul dagaal iyo Hub urursi hor leh oo kabilaabmay deegaanada mudug iyo galgaduud ee laysku hayo waxaa guud ahaan dagaalku ku wajahanyahay Puntland oo aad ugu diyaargaroowday wax walba oo kaga yimaada Cadaado waxa lagusoo diyaariyey ee loogu talo galay Galkacyo in lagu qabsado waana lama huraan in gacanta laysula tago waayo waxaa noo muuqda is indho tir cadaana oo lagu duudsiyayo xaqii umad dhan oo maamul lahayd 16 sanadood oo waliba wanaaga Gaalkacyo kashaqaynaysay mudadaas ay Gaalkacyo maamulayeena aanu dagaal weyni kadhicin laakiin maanta duulaan weyn oo siyaasadeed lagu soo qaday.
Xasan sheekh oo wali rajo kaga jirto inuu madaxweyne sii ahaado haduu ogaado inuusan soo noqonaynin waxaa macquula inuu soomaaliya dhib weyn oo hor leh galiyo siyaasad ahaana uusii baabiiyo si aan loola xisaabtamin oo maxkamad caalami ah aan loo gaynin.
SOMALILAND:Duulaanka siyaasadeed ee Xasan sheekh kusoo qaaday Somaliland isagoo Cali khaliif u aqoonsaday khaatumo inuu si sharciya uga qayb galo caleemo saarkii galmudug c.kariin guuleedna uu kudhawaaqay inuu madaxweynaha khaatumo kusoo dhaweeyey shirka waxaa halkaas kacad in Somaliland siyaasada iyo muranka xisbiyada kadhexeeya lala eeganayo inaysan wakhti uhaynin inay laxisaabtanto Xasan sheekh colaada uu abuurayo iyo ujeedada kadambaysa in laysku diro beelaha Somaliland iyo puntland dega ee khaatumo iyo dariskooda si siyaasada Xasan iyo beeshiisa ee kafaa iidaysiga is haynta ilmo Doombiro iyo Qawmiyada oo isdhalay meelna aan kala tagi doonin uu raadiyo si uu kursiga ugu sii fadhiyo.
Waxaan uga digayaa dhamaan shacabka kunool puntland,Somaliland iyo Daraawiish deegaankeeda inaan laga dhex faa idaysanin wixii dhexdooda ahna ay goonidooda udhamaystaan nabadgaliyana kuwada noolaadaan gartaana inaan cid unaxaysaa madax ka ahayn Soomaaliya waxa socdana ay tahay iskudir horle.
Somaliland waa inay ilaalisaa xaqa umada kunool dalka qaybtay maamulaan waana muhiim inaan cadawgoodu kafaa idaysanin inay isku diraan shacabkooda dagaalka siyaasadeed ee ay soo qaadeen Xasan iyo kooxdiisana Jawaab waafiya oo munaasab ku ah kabixiyaan taageero buuxdana ay lagarab istaagaan Puntland oo iyadu sifiican uga warhaysa xumaanta lamaleegayo.
Waana muhiim in lataageero shacabka Qawmiyada Dir ee kudhaqan mudug iyo Galgaduud oo sida muuqata Duulaan cad oo Qaawani kusocdo dagaal toosana lagu hayo ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba in lagarab istaago si loo baabiiyo khatarta kasoo socota halkaas.

Xisbiga shacabka geeska afrika wuxuu ku baaqayaa in beesha caalamku markhaati ka noqoto Xasan sheekh waxa uu wado lagulana xisaabtamo dambiyada siyaasadeed ee uu kagalayo Soomaali guud ahaan gaar ahaan shacabka kunool koonfurta Soomaaliya iyo puntland oo uu rabo inuu dumiyo maamul dhisan.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER: HAABIIL CABDI HAYBE.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise