Maxaa Ka jira Wararka Sheegaya In Ciidamada Amisom ay Xireen Askar ka Tirsan Ciidankooda.

Waxaa Soo Baxayey warar sheegayey In Ciidamada amisom ay maanta xabsiga u taxaabeen askar ka tirsan Ciidankooda kuwaas oo lagu eedeeyey inay dileen dad shacab ah.

Amisom ayaa qoraal shalay ay soo saaratay ku sheegaty inay jirin dad shacab ah oo ay dileen islamarkaana ay arkeen meydadka dad dhintay oo yaala meel u dhow biyaha xeebta ah ee Magaalada Marka.

Maanta waxa jiray kulan si gaar ah ay u wada qaateen saraakiisha Ciidamada amisom iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada deegaanka oo uu horkacayey Gudoomiyaha xilka kasii degaya ee Maxamed Yariisow.

Kulankan ayaa looga hadlayey dhibaatooyinka jira iyo sida amiosm ay markasta ay usoo saareyso warbixinno ay ku beenineyso Dilalka iyo dhibaatada ay geysanayaan.

Amism ayaa si la mid ah wararkii hore ay usoo saartay iska fogeysay ku lug lahaanshaha dilka dadka shacabka ah.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidamada deegaanaka Col. Maxamed Sheekh ayey ka codsadeen inay kala shaqeeyaan sidii loo xadidi lahaa qaraxyada iyo falalka amni daro ee lagu waxyeeleenayo Ciidamada amisom markay isticmaalayaan wadooyinka Magaalada dhex mara.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise