Nabadoon Maxamed Abuukar Tima Guduud oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Warar naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in Duhurnimadii Maanta Xabsiga Loo taxaabay Nabadoon Maxamed Abuukar Tima guduud oo ka mid ahaa Nabadoonada Beesha Biilaam.

Nabadoonka ayaa Markii la qabanyey ku sugnaa meel u dhow Hotel Xaaji Gaabow oo ku yaala Wadada Makka Almukarama ee Muqdisho.

Ciidamo lagu sheegay inay ka tirsanyihiin Nabad sugidda islamarkaana watay ilaa Siddeed Gaari ayaa gacanta ku dhigay Nabadoonka iyadoona aan la ogeyn meesha ay ula dhaqaaqeen.

War aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada qabtay Nabadoonka inta aanay imaan Hotel Xaaji gaabow ay marka hore tageen Gurigiisa oo baaritaano xoogan ay kusoo sameeyeen islamarkaan ay sawiro kasoo qaateen qoyskiisa.

Weli ma cada sababta ka dambeysa xariga Ciidamada nabad sugida kuwa lagu sheegay ay kula kaceen Nabadoon Maxamed Abuukar Tima guduud balse waxa la tuhunsanyahay in si shirqool ahaan loo fuliyey xarigiisa.

Waxaan goordhow idin soo gudbin doonnaa Ehelada Nabadoonka oo aan ku howlannahy inay Macluumaad naga siyaan sida Xaafadooda loo baaay iyo tuhunada ay qabaan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise