Ciidamada amaanka oo Maanata Howlgal Kasameeyey Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo isugu Boliis iyo Nabad Sugid ayaa maanta howlgal kasameeyey degmada dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo amaanka lagu xaqiijinayey ayaa inta uu socday waxa lagu soo qab qabtay dhalinyaro tira badan oo loogu shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin falalka amaan daro ee Degmadaas mararka qaar ka dhaca.

Goobo si gaar ah u cayiman ayaa Ciidamadu beegsadeen halkaasi oo loogu sheegay dhalanyaro ka dib markii dad deegaanka siday soo gudbiyeen xog ku aadan dhalanyaro ay amaankooda uga baqeen.

Jimcaale Cadow Maxamed oo ah taliye ku xigeenka Boliiska ee Degmada Dharkeenley ayaa warbaahinta u sheegay in dhalanyarada howlgalka lagu soo qab qabtay ay ku xiranyihiin xabsiga islamarkaana baaritaano lagu sameen doono.

Howlgalkana ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid si kedis ah ku dhacay ka dhib markii Ciidamada nabad sugida iyo Boliiska ee isgarabsanayey ay tageen xaafadaha la tuhamayey.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise