Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Ka Hadlay Wariyeyaasha U Xiran Maamulka Ahlu Sunnah.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeyey ayaa waxa uu ka hadlay xariga lagula kacay wariyeyaal ka sheqeenayey magaalada Dhuusamareeb.

Maareeye oo saxaafada kula hadlayey Muqdisho ayaa talaabo laga xumaado ku tilmaamay xariga kooxda ahlu sunnah ay kula kacday Wariyeyaasha.

Wuxuu ugu baaqay kooxda ahlu sunna in sida ugu dhaqsiyaha badan oo shuruud la’aan ah ay usii deyso Suxufiyiinta u xiran.

“Waa arrin aanan haboonayn in Xadgudub loo geysto wariyaasha wixii qaldan waa laysla ogaanayaa laakiin maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof Gudanaya waajibkiisa Shaqo ee loo Idmay, Ahlusunna waxaan leeyahay ha Siidaayaan wariyaasha” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise