Wararkii Ugu dambeeyey Xaalada Magaalada Marka iyo Ganacsiga oo Weli Xiran

Waxaa weli xiran ganacsiga Magaalada Marka oo Maanta ay u tahay mid ka mid ah maalmaha Madow ee Soo Maray Marka iyadoo Ciidamada amisom ay u muuqdaan kuwo joogteenaya dilka iyo barakicinta ay ku hayaan shacabka.

Warbaahinta ayaa waxaa u suuragashay inay hesho ilaa Sideed Magac oo ah dadkii xalay ilaa saake ay amisom u dishay si aar goosi ka dib markii laga qarxiyey gaari booyad ah oo ay wateen.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira hal qoys oo ka koobnaa aabe iyo afar wiil uu dhalay iyo hooyadood, waxaana ka badbaaday Hooyada.

1 Macallin Iiidey

2 Xuseen  Macalin Iideey

3 Siin Cali Macalin Iidey

4 Yuusuf biikale Macalin iidey

5 Cumar Macalin Iidey.

6 Salaad Kawaale.

7 Awey Xamarow.

8 Maslax

Waxaa sidoo kale jira dad ay dishay amisom oo weli warbaahinta ay helin magacyadooda.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise