Deg Deg Ciidamada Amisom oo Caawa Markale Dad Ku laayey Xaafadaha Bari ee Marka

War hada Soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada amisom caawa ay kusoo baxeen xaaafadaha magaalada Marka oo hada ay ka wadaan dhibaatooyin aan la qiyaasi karin.

War hordhac ah oo nasoo gaaray ayaa ku waramaya in Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka amisom ay guri guri u galayaan guryaha xaafadaha Abasiibo iyo Ruusiyo oo ku yaala Dhinaca Bare ee Marka, waxaana halkaasi ay ka wadaan howlgal isugu jira dil iyo qab qabasho.

Dad gaaraya ilaa 5 qof ayaa lasoo wariyey in caawa ay ku dhinteen howlgalka amisom iyadoona aan laga warhaaynin dhaawaca halkaasi ka jira waxaa suuragal ah siday wararku tilmaamayaan in dhimashadu ay intaasi kasii badan tahay.

Xaafadaha qaarkood ayaa dadkii degenaa caawa isaga barakacay iyadoona dadka ay u kala jiheysteen dhinacyada buuraha iyo Xeebta Magaalada si ay uga nabad helaan dhibaatada amisom.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyey ka dib gabaldhicii Maanta oo kolonyo amisom ah qarax lagula eegtay meel u dhow iskoolka Fareena halkaasi oo lagu waxyeeleeyey gaari booyad ah oo ay wateen.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonaa.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise