Ciidamada Amisom oo Qarax Lagula Eegtay Magaalada Marka

Ciidamada Amisom ee howlgalka Midowga afrika ayaa qarax waxa goordhow lagula eegtay Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelad hoose.

Qaraxa ayaa ahaa siday soo sheegayaan goob joogayaal nooca dhulka lagu aaso kaas oo lala eegtay Cidamada amisom oo xilliga qaraxa lala eeganayey Marayey inta u dhaxeysa Xaafadaha Abasiibo iyo Ruusiyo ee Bariga Marka.

Siday soo sheegayaan goobjoogayaasha qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa la kacday gaari nooca booyadaha ah oo ay wateen Ciidamada amisom, oo markaasi ku beegnaa Dugsiga Sare ee Newey.

inkastoo uu khasaare soo garay booyada hadana si rasmi ah looma oga waxyeelada gaariga booyada ah ee qaxa gaarsiiyey, sababo dadka oo ka dhawaan waayey goobtaas darteed.

Markii uu dhacay qaraxa ayaa waxa gabi ahaanba istaagay Ganacsigii ka jiray Marka iyadoo la faarujiyey xaafadaha iyo goobaha ganacsiga iyadoo laga baqdin qabay in Ciidamada amisom ay xaafadaha kusoo faafaan islamarkaana ay waxyeeleeyaan dadka shacabka ah.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise