Maxkamada ku Taala Talyaaniga oo Xukuntay Dhismaha Safaarada Soomaaliya

Maxkamada ku taala Dalka Talyaaniga ayaa xukuntay dhismaha Safaarada Soomaaliya ay ku lahayd Magaalada Roma lagu wareejiyo Safaarada.

Dhismahan oo ay haysatay Shirkad ajnabi ah ayaa Safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi sheegay in soomaaliya ay soo ceshatay ayan u dabaal degayaan helida dhismaha.

Safiirka ayaa sheegay in dacwado badan iyo qareeno kala duwan ay u qabteen sidii loo heli lahaa gurigii ay ku shaqeen jirtay Safaarada Soomaaliya sanadii ay jirtay dowladihii burburka ka horeeyey wuxuu guul ku tilmaamay inay soo ceshtaan dhismahaas oo in muda ah dacwadiisu ay socotay.

Generaal Muuse Xasan Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Talyaaniga ayaaa tilmaamay in bur bur xoogan oo ka muuqdo dhismaha Safaarada loona baahanyahay in dib u habeen lagu sameeyo.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise