Kenya oo Sheegtay inay Joojinayn Darbiga ay Ka wada Xadka ay La Wadaagto Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay joojin doonin dhismaha darbiga ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagaan Soomaaliya islamarkaana ay ka laaban dooni go’aankooda.

Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Kenya JosephNkaissery oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in darbiga la dumin doono markii nabad buuxda ay ka dhalato Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas hadalkiisa raaciyey in alshabaab looga hortagi karo kaliya in laga xiro meelaha ay kasoo dusayaan ama ay kaga soo dhuumanayaan soo gelida gudha kenya derbigana yuu ku tilmaamay mid wax ka bedeli kara xaalada amni ee kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in derbiga laga dhisayo inta u dhxeysa Mandheera iyo Beled xaawo mid mugdi gelin kara xiriirka labada wadan.

Waxaa la aaminsanyahay in Derbiga ay ku howlantahay dhisidiisa Dowlada Kenya uu wax isbedel ah ku keeni doonin xaalada amni daro ee gudaha kenya ka jirata.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise