Waa Kuma Hogaamiye Kooxeedka Looga Shakisanaa Fududeynta Qaraxii Hotel Jaziira

Ha’ada Nabad Sugid qaranka ayaa sheegtay inay weli wadaan baaritaano ku aadan cidii fududeysay weerarkii ka dhacay Hotel Jaziira Galabnimadii Axada.

Warbixin horu dhac ah oo ay soo bandhigtay ayey ku sheegtay in hugaamiye kooxeed hore oo Muqdisho ka baxsaday inuu qeyb ka ahaa fudufeyntii ama dadkii gacanta ka geystay weerarka waxaa durbaba soo baxaya tuhuno kala duwan oo ku aadan shakhsiga ay tilmaantay Hay’ada Nabad sugida.

C/nuure Siyaad (Cabdi waal) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee dalka soo maray hadana la rumeysanyahay inuu ku suganyahay Gobalada dhexe ee Soomaaliya ayaa baxsad ka ah Muqdisho.

Cabdi waal oo warbaahinta dubaba la hadlaya ayaa iska fogeeyey eedeynta loo soo jeediyey isagoo war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya.

“Xasan Sheekh Markuu fashilmay ayuu is yiri bal qof kasta oo shasiyadiisa aada dhaawici karto ku day, laakiin waxba iima dhimeyso aniga qof cararay ma ihi garoonka aadan cade ayaan kasoo duulay” ayuu yiri Cabdi waal.

“Waxaan idaacadaha ka maqlay in nichlos kay uu yiri Maalinna Xasan ugu darimeyno taas waxay muujiday in Xasan sheekh qof shaqaala ah yahay oo umada Soomaaliyeed matali karin mar hadii umada matalinna” ayuu hadalkiisa siii raaciyey.

Hogaamiye kooxeedkan hore ayaa si adag uga horyimid eedeymaha loo soo jeediyey wuxuuna dhankiisa weerar afka ah ku qaaday Dowlada fedaraalka oo uu ku sheegay mid fashilantay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise