Maxaad kala socotaa wasiiro koonfur galbeed oo Shariif xasan ku heyb ah iyo mooryaanta Shabelle state in ay isbaarooyin u yaalaan degmada Afgooye ( xog muhiim ah)

Tan iyo intii lagu dhawaaqay dhismaha maamulka qabyada ah ee sadexdagobal oo kala ah shabeelaha hoose bay iyo bakool ayaa waxaa soo if baxaysay dhaliilo iyo fadeexooyin ay geysanaayaan mas uuliyiinta maamulkaasi .taasoo qiimahii ay bulshada ku lahaayeen hoos u dhacday.

Qabaa ilada ka soo jedagobalka shabeelaha hoose ayaan wax tixgelin iyo qadarin ku lahay  maamulkasi qabyada ah marka qar waxaa dhacda mas uuliyiinta ka soo jeeda shabeelaha hoose , aan lala tashan xiliyada go aamada la gaaraayo.

sida soomaalidu ogtahay maamulkasi waxaa jagooyin culus ka haayo shaqsiyaad  aan u dhalan maamulkaasi  kuwaasi qaarkood dhibaatooyin culus ay u geeysteen dadka deegaanka. Gaar ahaan gobalka shabeelaha hoose.

dad badan ayaa waxay aminsan yihiin maamulkii xaaraamiga ahaa ee shabeele state kaa soo hogaan kiisu hada jagooyinka cul culs lagu awaal mariyay markii ay kufsi iyo barakicin, dil ay ka geysteen deegaano badan oo ka mid ah gobalka shabeelaha hoose,mooryaanta shabeele state ayaa waxaa lagu xasuustaa bil ramadaan iyadoo ay tahy haween sooman in ay ku kufsadeen degmada marka.

Degmada afgooye oo hada xarun u ah maamulkii shabeele state  iyo kan koonfur galbeed oo  isku wada biiray ayaa waxy isbaarooyin tiro badan u yaalaan halkaasi isbaarooyinkaasi oo lacago fara badan la qaado.

Wasiirada koonfur galbeed ee ka soo jeeda gobalada bay iyo bakool iyo mooryaantii shabeele state ayaa isbaarooyinkaasi ku wada heshiiyay  hadaba warbixintaan waxaad ku arkaysaan sida wasiirada isbaarooyinka uwada dhigteen.

  • Isbaarooyinka C/raxmaan Ibraahim Aadan “Sate” Wasiirka Gudaha ee Mirifle/Xariin: wuxuu dhigtey Laba oo kala yaala Mukeyga Afgooye iyo Baar Ismaaciil, isbaaroyinkaan oo uu ugu magacdarey “Dowlada Hoose” taasoo wixii dakhli ah oo kasoo baxa uu isaga qaato, qiyaastii lacagta kasoo xaroota waa 45,000,000 Sh. So oo udhiganta $2,000/day Tukaloo kasii daran bal qabso iyana: waxaa intaas usii dheer isbaaarada Geelka oo ah isbaaradii ugu horeysay oo loo dhigto Xoolo nool, taasoo jirta 3 Habeen oo kala ah Habeenka Sabtida soo galeyso, Habeenka isniinta soo galeyso iyo Habeenka Arbacada soo galeyso iyadana waxaa kasoo xaroota ugu yaraan 50,000,000 Sh. So/ habeenkiiba, waana 150,000,000 Sh. So per Week oo udhiganta $6,818 waxaana Leejada u qaada laba nin oo lakala yiraahdo Mukhtaar Xariimow iyo Cumar Macalin Waanjeelow oo labadaba Baydhabo laga keenay halka wiilashii Sh/hoose ay Shaqada loo diidey, intii horey u shaqeyn jirteyna laga eryey Shaqada taasoo keentay in AlShabaab dib usoo noolaato madama ay helayso dhalinyaradaas Shaqada laga eryey. waxaa lagu xasuustaa C/raxmaan Sate inuu yahay Shaqsigii ugu horeeyey oo isbaaro udhigta Xoolaha nool ee wadada maraya inta la ogyahay.
  • Isbaarooyinka Xasan Ibraahim Lugbuur wuxuu dhigtey 3 isbaaro oo uu ugu magacdarey Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Maaliyadda Mirifle/Luwaay waxaa u yaala illaa 3 isbaaro oo kala yaala Mukeyga Afgooye, Baar Ismaaciil Afgooye, iyo Shanta Gollaha Sare Lafoole oo lagu qaado Leejada Jaadka Sh/hoose lageeyo oo idil, Saddexdaan isbaaro maalintii waxaa kayimaada 120,000,000 Sh. So oo u dhiganta $5,454, lacagtaan waxay si toos ah ugu dhacdaa Account ka Wasiirka, waxaana lacagtaan u qaada Maxamuud Daahir Faarax Qooley oo HabarGidir Saleemaan ah iyo Xasan Xawaad oo Xawaadle ah.

. . Isbaarooyinka C/laahi Aadan Axmed Black waa Wasiirka Gaadiidka ee Mirifle/Hadamo, waxaa u yaala Labo isbaaro waxayna kala yaalaan Mukeyga iyo Baar Ismaaciil waxaa kasoo xaroota Labada isbaaro 30,000,000 Sh. So. Maalintiiba oo udhiganta $1,363 maalintiiba, waxaana galabtiiba Account kiisa ugu shuba nin layiraahdo.

. Isbaarooyinka Maxamed C/laahi Mursal waa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mirifle/Asharaaf, waana Hogaamiyaha Xarakada Al-islaax Al-islami garabka Damul Qadiim ee KGS الحركة الإصلاح الإسلامي/جناح دم القديم في ولاية جنوب غرب الصومال waxaa u yaala Labo isbaaro oo loogu magacdarey “iskaashatada Gaadiidka” waxayna kala yaalaan Mukeyga Afgooye iyo Boodboodka oo Baar Ismaaciil u jirta 1.5KM, waxaana maalintii uu kahelaa 35,000,000 Sh. So oo udhiganta $1,590 maalintiiba, lacagtaan Mursal waxaa uga wakiil ah nin layiraahdo Daahir Shariif isla galabtiiba Acount kiisa ayuu kutuurtaa, mana jiro wax la yiraahdo iskaashatada oo lacag qaada.

. Isbaaarooyinka C/fataax ibraahim Geesey: waa Wasiirka Amniga ee Mirifle/Leysaan waxaa u yaala Labo isbaaro oo lagu Magacaabo “Taraafiko” waxayna kala yaalaan Mukeyga Afgooye iyo Baar Ismaaciil Afgooye, waxaana kasoo xaroota maalintiiba 25,000,000 Sh. So oo udhiganta $1,136 Maalintiiba

  • Waxaa jira wasiiro badan oo iyagana aan ka haayno macluumaad waxaad ku arki doontaan warbixin dhowaan aan idin soo daabicidoono ,

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise