Jubbaland “Waxaan u argnay Shirka Muqdisho ka Furmaya Mid Soomaaliya aan Dan u ahayn”.

Maamulka Jubba land ayaa iska diiday inuu ka qayb galo shirka ka furmay Magaalada Muqdsiho kaas oo looga hadlayo sida laga yeelayo Doorashada sanada 2016ka.

Maamulka ayaa ku andacoonaya in shirkaas aanu Soomaaliya dan u ahayn islamarkaana ay wataan kooxo ay ku tilmaameen kuwo dano gaar ah ka leh shirka furmay.

“Shirka laga sheegayo Muqdisho jubbaland kama qayb galeyso, waxyaabo aan u habooneyn Umasa Soomalaiyeed ayaa u muuqda sidaas ayeyna ugu baaqaty, Masiirka Soomaaliya dadkoo ka dhaxeeyaa wadanku waa federaal dadkaa ku heshiiyey, dowlda goboleedyadu inay talada dalka ay wax ku leeyihiin soonaaliya iyadaa go’aansatay arintaas waxan u argnaa mid dhinac kaliya ah oo aan laga wada tashanin” ayuu yiri Xillibaan ka tirsan Baarlamaanka la laalay ee Jubba.

Maamulka Axmed Madoobe uu hugaamiyo ayaa ku biiray Maamulka kale ee puntland kaas oo inta badan ka horyimaada arimaha ay ugu cad cadahay Dowlada Xasan Sheekh.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise