Shiinaha oo Sheegay In Amaanka Safaaradooda aan lagu aamini kari Hotel Jaziira.

Wasaarada arimaha Dibada Shiinaha ayaa war kasoo baxay lagu sheegaya in Safaraada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhawaan dib u bilaabi doonto howlaheeda shaqo ka dib weerarkii dhawaan lagu qaaday halkaasi oo uu kaga geeriyooday madaxii amaanka Safaarada sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa seddax qof oo qaabilsanaa dhinaca samafalka.

Warka wasaarada arimaha dubada waxa sidoo kale lagu sheegay in safaarada laga rarayo gudaha Hotel Jaziir isalmarkaana la geydoono meel ka amaan roon goobta ay hada ku taalo, Meydkii iyo Shaqaalihii samafalka ee ku dhaawacmay Weerarka hotelka lagu qaaday ayaa loo duuliyey Wadankaasi shiinaha.

Ka guuritaanka Safaaradooda ayey ku micneeyeen in Hotel Jaziira aanu lahayn adeeg dhameystiran oo xaga amaanka ah, Soomalaiyana ay ka jiraan dhibaatooyin amin daro oo ay ugu dheer tahay qas iyo fowdo.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise