Mareekanka oo Diiday in Cafis loo Fidiyo Sarkaal ka Tirsanaajiray oo Sir badan ka Faafiyey.

Dowlada Mareekanka ayaa diiday un Cafis loo fidiyo Edward Snowden oo ahaa nin ka tirsanaa jiray Sirdoonka Mareekanka oo hada ku noll wadanka Ruushaka.

Snowden ayaa ahaa sarkaal ka tirsanaa jiray Sirdoonka Mreekanka islamarkaana faafiyey sir badan oo uu ka haayey dowladaa.

Dad gaaraya 168,000 qof ayaa saxiixay warqad xukummda mareekanka looga dalbanaayo in cafis loo fidiyo sarkaalkaasi waxaana codsigaas loo gudbiyey aqalka looga arimiyo Mareykanka ee White Houseka.

Lataliyaha sare ee dhinaca amaanka gudaha mareekanka iyo argagaxisada ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in Snowden uu sameeyey talaabo halis ku ah Sirdoonka Mareeka.

Sarkaalkan ayaa lagu eedeeyey inuu bixiyey xog badan oo ku saabsan sirdoonaka Mareekanka, xogta waxa ku jirtay baaritaan lagu sameeyo taleefanada la dhegeysto iyo xogta laga baaro dhinaca intenedka.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise