Gudiga xaqiiqo raadiska yuu kula kulmay magaalada marka xogta ay heleen sax ma tahay

Sida laga warqabo 21/7/2015 magaalada marka waxaa ka dhacay xasuuq baahsan oo ay geeysteen ciidamada amisom kuwooda ka howlgala gobalka shabeelaha hoose,taasoo ay ku laayeen dad rayidh ah oo isugu jira rag ,dumar,waayeel ,iyo caruur ku waasi oo tiradoodu kor u dhaaftay 18 qof.

Dhibaatadaasi waxay ka dhacday xafadaha jujuumo,ceel hindi,buulo eelaay, dhamaan xaafadahasi waxaa dega dadka danta yare e la tacaala nolol maalmedkooda,dadkaan masaakiinta ah dhimashada iyo dhaawaca loo geeysatay waxaa u wehliya argagax iyo cabsi taasoo sawatay in ay ka bara kacaan xaafadahooda.

Shalay oo taariikhdu ahayd 27/7/2015 waxaa magaalada marka gaaray gudi lagu sheegay in ay ahaayeen xaqiiqo raadis, oo ka socady hayadaha qaramada midoobe iyo taliska amisom kuwaasi oo  ka soo kicitimay magaalada muqdisho si ay u baaraan tacdiyada iyo xasuuqa ciidamada amisom ka geysteen magaalada marka.

Hadaba nasiibdaro, sida dadka deegaanku sheegayaan wafdigaasi waxa ay lakulmeen taliska ciidamada amisom ee magaalada marka iyo in ay booqdeen cisbitaalka weyn ee magaalda marka ,oo lageeyay tiro yar oo dhaawac ah iyo laba meed,laakiin dhibaatdu intaasi waa ay ka badneed ,sawabtoo ah dadka amisom ay laaysay badi waa la soo gaarsiin waayay goobaha caafimaadka ,maadaamaa xiliga mashaqadu socatay magalada oo dhan ay u xirneed ciidamada amisom, qof kasta oo dhaq dhaqaaq sameeyana ciidamada amisom  ay tooganaayeen, taasina waxa ay sawabtay dad badan in ay u dhintaan dhawac ay u geeysteen amisom ,halka tobaneeyo qof ay goobyaal ahaayeen.

Warar lagu kal soo naan karo waxa ay sheegayaan wafdigaasi in aanay la kulmin dadka wax garadka ah,sida culimada odayaasha dhaqanka ,siyaasiyiinta, iyo dhibanayaasha dadkooda lalaayay kuwaasi oo xog ogaal u ahaa dhibaatooyinka amisom ay ka geystaan magaalada marka.

Taliska amisom ayaa waxa ay sheegeen dadka ay xasuuqeen in ay ahaayeen al shabaab ,mana jirin dad shacab ah oo ay wax yeelo u geeysteen.

Qof shacab ah oo ku sugan magaalada marka oo naga codsaday in aan magaciisa qarino ayaa noo xaqiijiyay in uu arkay masaajid kuyaala xaafada jujuuma lagu karfanay 12 meed oo isgu jira rag iyo dumar waxaa sidoo kale dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah aabe iyo laba caruur uu dhalay gurigooda lagu dilay ,iyo dhalin yaro qurba joag ah kuwaasi oo magaalada u yimid in ay waalidkooda iyo walaahoda ay arkaan madaamaa mudo fog ay kala maqnaayeen.

Tan iyo markii ciidamada amisom ay xasuuqa ka geysteen magaalada marka ayaa xoogeeysanaayaa barkaca ay sameyayaan dadka shacabka ah ee ku nool xaafada jujumama iyo ceel hindi.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise